Safaarada USA Oo Ugu Baaqay Dowlada Federaalka Iney La Heshiiso Dowlad goboleedyada

Uncategorized

Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa ugu baaqday Madaxtooyada Villa Somalia inay shir isugu yeerto dhammaan hoggaamiyeyaasha dowlad goboleedyada iyo Saamileyda Siyaasada sida uu dhigayo dastuurka, wada shaqeynta iyo iskaashiga dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada in si degdeg ah loogu baahan yahay in lagu xaliyo kala qeybsanaanta siyaasadeed ee jirta, hirgelinta deyn cafinta iyo ka jawaabida COVID-19….

Qoraal la soo dhigey bogga uu ku leeyahay Twitterka safaarada Maraykanka ayaa lagu sheegay inay lagama maarmaan tahay in dowlada federalka iyo maamul goboleedyada ay xaliyaan khilaafka ka dhex jira.

Baaqan ayaa qeyb ka ah cadaadis xoog leh oo ay beesha caalamku ku saarayaan dowlada federalka inay dadejiso qabashada doorashada dalka oo la qorsheynayay inay dhacdo dhamaadka sanadkan.

Dowlada Maraykanka ayaa ka mid ah dalalka caalamka ee sida dhow ula socda siyaasada dalka Soomaaliya,waxana baaqan u muuqdaa mid dowlada federalka oo ka cagajiideysa inay heshiis la gaarto maamul goboleedyada dalka oo qaarkood aysan xiriir wanaagsan la lahayn.

Baaqa dowlada Maraykanka ay soo saartay ayaa waxa uu ku soo beegmayaa iyadoo maanta uu soo saaray guddoomiyaha Aqalka Sare warsaxaafadeed uu ugaga hadlayo wadada loo marayo qabashada doorasho heshiis lagu yahay waxaana lagu sheegay war saxaafadeedka in qabashada doorashooyinka ay u baahan tahay wadatashi degdeg ah ay isugu yimaadaan dhammaan Madaxda Qaranka, dowlad goboleedyada iyo saamileyda siyaasadda ka hor 25 bishan June.

Hogaamiyaasha xisbiyada dalka ayaa kuwooda ugu tunka weyn leh waxa ay dhowr jeer ku baaqeen in dowlada federalka ay dardargeliso howlaha qabashada doorashada dalka. Waxana ay ku eedeeyeen in dowladu ay ka cagajiideyso in ay dhacdo doorasho ayna dooneyso inay waqtiga kororsato.

40670cookie-checkSafaarada USA Oo Ugu Baaqay Dowlada Federaalka Iney La Heshiiso Dowlad goboleedyada