Hogaanka Xasan Sheekh Oo ku Laba Sano Jirsaday Qalalaase Siyaasadeed, Qorshe xumo & Boob Dhul..

Somalia news

Tan iyo markii loo doortay Madaxweynaha Dowlada Federaalka Mr.Xasan Sheekh 2-sano ka hor ayaa Muwaadiniin badan oo Soomaaliyeed ay aamisan yihiin inuu Tala xumadiisa uu Dalka u horseeday, qalalaase Siyaasadeed, Qorshe xumo Dagaal gelin, Boobka Dhulalka Danta Guud & Musuq…

Muwaadiniin Soomaaliyeed ayaa qabay in Doorashadii uu ku soo baxay Mr.Xasan Sheekh ay ka filaayeen ugu yaraan inuu waayo aragnimo ka qaato Khaladaadkii uu galay muddo xileedkiisii hore, ayaan darraso waa ka sii daray oo muddo sano ah gudahood ayuu ku muteystay guul darro siyaasadeed, Qorshe xumo Dagaal gelin oo Dad iyo Qalab ku lumiyay Dagaalka lagula jiro kooxda Argagixisada Shababka.

Ku darsoo Madaxweynaha ayaa muddo xileedkiisaan ku suntan Fashilka Dagaalka Shababka, Musuq baahsan, Eex iyo boobka Dhulalka danta guud, isagoo ku amray Maamulka Fashilka ee Gobolka Benaadir in la xaraasho Dhulalka Qaranka, waana ayaa darro in labada sano ee u harsan uu ku guda gali doono rafashadii ugu dambeysay ee Hogaamin xumadiisa.

Inkastoo la wiiqay awoodii Kooxda Argagixisada Shababka hadana waxaa indhaha laga qarsan karin khasaaraha baaxada leh ee ka soo gaaray Saraakiisha iyo Ciidamada Xoogga Dalka, Xoogaga iskood isku abaabuluay iyo Gadiid Dagaal, iyadoo intii badneyd ee laga xoreeyay Kooxda Argagixisada ay dib ugu soo noqdeen marka laga reebo Degmada Xaradheere.

Kooxaha ku hareeresan ee Madaxweynaha kala taliya Dhinacyada Amaanka iyo Dagaal gelinta ayaa lagu tilmaamaa kuwo aan khibrad laheyn dhanka dagaal gelinta, qaarkoodna horey ula soo shaqeeyeen kooxda Argagixisada Shababka isla markaasna lagu eedeeyay iney ku mashquuleen boobka Saadka Ciidamada iyo sidii loo fashilin lahaa dagaalka lagula jiro kooxda Argagixisada Shababka.

326450cookie-checkHogaanka Xasan Sheekh Oo ku Laba Sano Jirsaday Qalalaase Siyaasadeed, Qorshe xumo & Boob Dhul..