Wararka naga soo gaaraya Xuduudaha Gobolka Gedo iyo Bakool ee Somalia, ayaa waxay sheegaya in maalmahaan dambe uu aad u kordhay qulqulka hubka, sidoo kale waxana iyana lagu soo warramayaa inuu hub ka gudbo degmada Wajaale ee waqooyiga Somalia….
Xogtaan ayaa Diinah.com u tilmaamtay in Dhaqdhaqaaqa kala iibsiga Hubka uu aad u kordhay, waxaa lagu soo warranmayaa inuu ku sii jeedo waqtigaan dhinaca dalka Ethiopia, iyadoo Tiro Ganacsato iyo Kooxo kale ay ku lug leeyihiin gudbinta Hubka, waxaanse ka marneyn hubkaan la sheegay in urur diimeedka Shabaabka uu lug ku leeyahay gudbintiisa.
Ilo wareedka ayaa lagu sheegay in Noocyada Qoryaha AK-47, BKM (Midka gaaban iyo Kan dheer) iyo Noocyada bastooladaha ayaa lasheegay in dalabkoodu iyo qiimahooda u aad kordhay, Talaabadaan ayaa gilgilshay Suuqyada hubka.
Sida laga warqabo Kooxda Shabaabka waxay heysataa degaanno badan oo ku deedsan xuduudda labada dalka, waxaana hubkaas qeybo badan oo ka mid ah uu gacanta u galaa qaabaa’ilka degan degaanka Somalida oo aan ognahay in xeligaa uu isku dhacyadooda ku or u kacay.
Dalka Ethiopia Oo xiisado colaadeed ay ka abuurmeen, iyadoo laga cabsi qabo iney ka qarxaan dagaalo sokeeye, kadib markii Khilaaf uu soo kala dhex galay Maamulka Addis Abeba iyo Kan Tigreega, Sidoo kale xiisado ayaa u dhaxeeya Tigreega iyo Amxaarada, Soomaalida iyo Oromada.