Xisbiyada Mucaaradka Dowlad D/Soomaalida Ethiopia Oo Ku Kulamay Nairobi

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa sheegaya in Dalka Kenya in galinkii dambe ee shalay shir uga furmay Xubno ka tirsan Xisbiyada Mucaaradka ah ee Dowlad Degaanka Soomaalida Ethiopia…

Xisbiyadaan shalay ku shiraya Nairobi ayaa waxaa kamid ah, xubno ka wakiil ahaa Xisbiga Sinaanta iyo Cadaalada oo uu ka socdo Gudoomiyaha Xisbiga Sheekh Ibraahim Dheere, Xisbiga ONLF oo isna uu ka socdo Guddoomiyaha Xisbiga Cabdiraxmaan Maadey, iyo Golaha Danta Soomaaliyeed oo isna uu ka socdo Axmed Xasan Baaje iyo Mas’uuliyiin kasoo jeeda Gobolada Waqooyi bari Kenya iyo marti sharaf kale.

Ujeedka shirkan loo qabanayo ayay xisbiyadu ku sheegeen, in lagaga arrinsanayo xaaladda guud ee degaanka Soomaalida, xaaladda Abaarta degaanka ka jirta, iyo midaynta mowqifka siyaasadda ee soomalida, waa siday hadalka u dhigeen xisbiyada mucaaradku.

Kulankaan ayaa ah kii u horreeyay ee noociisa ah ee Xisbiyo mucaarad ahi isugu yimaaddaan hal fagaare oo ka baxsan degaanka Soomaalida, iyadoo la xasuusan yahay in shirkii kan ka horeeyay ay xisbiyadii isu yimid ahaayeen labo xisbi oo kaliya, Xisbiga ONLF iyo Golaha danta Soomaaliyeed, kaas oo xilligaa ka dhacay isla magaalada Nairobi.

173220cookie-checkXisbiyada Mucaaradka Dowlad D/Soomaalida Ethiopia Oo Ku Kulamay Nairobi