Kulan Ka Dhacay Villa Somalia Oo Lagu Kala Tagay

Somalia news

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa la sheegay inuu iska diiday Dalab uga yimid Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo, kadib kulan labada mas’uul ku dhex maray Madaxtooyada.

Kulanka oo uu dalbaday Madaxweyne Farmaajo ayaa ilo xogogaal ahi u sheegeen Diinah.com inuu ku saabsanaa xaaladda ka dhalatay baaqii Aqalka Sare ee shir wadatashi ah oo ay isugu yimaadaan Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboledyada oo ay wehliyaan daneeyayaasha Siyaasadda.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka dalbaday Guddoomiyaha Aqalka Sare inuu ka laabto qoraalkii kasoo baxay Guddiga joogtada ah ee Aqalka Sare kasoo baxay 11-kii bishan iyo baaqii shirka wadatashiga, taasoo uu ku gacan seyray Cabdi Xaashi, markii ay madaxweynaha isku fami waayeen.

Kulanka Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka ayaa kusoo dhammaaday, iyadoo aan wax guul ah laga gaarin, qorshihii Madaxweyne Farmaajo-na uu socon waayey, taasoo qeyb ka ah cadaadiska lagu hayo Guddoomiyaha Aqalka Sare.

Dhanka kale, Mr.Farmaajo ayaa la filayaa in saacadaha soo socda inta aanu u dhoofin shirka Jabuuti uu ku dhawaaqo shir ay isugu yimaadaan madaxda dowladda Federaalka iyo maamul Goboleedyada iyo goobta uu ka dhacayo oo lagu wado inay magaalada Dhuusamareeb noqon doonto.

Tallaabadan ayaa ka dhigan inuu Madaxweyne Farmaajo ka tanaasulayo Go’aankii ugu adkaa ee uu ka qaatay Jubbaland oo ay ku jiraan Aqoonsiga Axmed Madoobe iyo dhammaanshaha howlgalkii qarashka badan ku baxay ee Gedo.

Mr.Farmaajo ayaa maraya xaalad adag oo kala guur ah, waxaana ku kulmay cadaadis dhinac waliba uga imaanaya, iyadoo uu xilligan ku qasbanaaday inuu qaato go’aano hore u ahaa kuwo aan la aqbali karin oo is-qarxin siyaasadeed ah.

41620cookie-checkKulan Ka Dhacay Villa Somalia Oo Lagu Kala Tagay