Barlamaanka Oo Ansixiyay Matalaada Magaalada Muqdisho

Somalia news

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa goor dhoweyd cod loo qaaday xeerkii metalaadda Gobolka Banaadir, iyadoo loo ansxiyey inuu 13 xubnood yeesho Aqalka Sare.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mrsal Sheekh ayaa khudbad kadib u yeeray Guddoomiyaha Guddiga soo diyaariyey xeerarka dhameystirka Doorashooyinka Xildibaan Ibaahim Yarow oo golaha u jeediyey wax ka bedelka lagu sameeyay, waxaana codkii loo qaaday ogolaatay 142 xildhibaan, iyadoo ay diideen 4, mana jirin cid ka aamustay.

Afar xildhibaan ayaa la arkayey iyagoo buuqaya intii ay codeyntu socotay, waxaana la arkayey in midkood uu miiska dushiisa fuulay si uu codeynta u carqaladeeyo.

Shir gudoonka Kulanka waa Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan isagoo ka hor inta codka la qaadin yiri “Shacabkan dulman maanta idiinkama sugayaan cod maya ah, kursiga aad maanta ku fadhido ugu hiili, shacabka gobolka banaadir naftooda ayay u hureyn dowladnimada dad badan aya kaga dhintay”.

44360cookie-checkBarlamaanka Oo Ansixiyay Matalaada Magaalada Muqdisho