Farmaajo Oo Lagu Eedeeyay Inuu Hortaagan Yahay Kulanka

Somalia news

Markii 2-aad waxaa maanta baaqday Kulankii Caadiga ahaa Ee Aqalka Sare Oo lagu waday inuu ka qabsoomo Xarunta Golahaasi, iyadoo lagu eedeeyay Madaxtooyada iney ka dambeeyso faragelinta….

Ajandayaasha Maanta ayaa ahaa u codeynta xubno cusub oo lagu kordhiyay Guddiga Doorashooyinka Oo Golaha Shacbiga horey u ansixiyay, hase yeeshee waxaa dib u dhac ku yimid koorum la’aan Senatarada ah, sida ay ka dhawaajiyeen Xogheynta Aqalka Sare.

Senator Iftin Xasan Baasto ayaa ku eedeeyay Mr.Farmaajo “Sharciyad ayaa dal lagu maamulaa ee Rabitaanka Qof Wadanka laguma xakumo”. Wuxuuna intaasi raaciyay in Xalay oo dhan lagu howlanaa sidii loo qaban lahaa Kulanka maanta baaqday.

44390cookie-checkFarmaajo Oo Lagu Eedeeyay Inuu Hortaagan Yahay Kulanka