Maamulada Dowlad Goboleedyada Oo Dhaqaale Loo Diray

Somalia news

Dowladda Federaalka ayaa malaayiin doolar siisay dowlad Goboleedyada, Wasaaradda Maaliyadda Federaalka ayaa u kala dirtay Maamul Goboleedyada lacagtaasi. Soomaaliland ayaa loo diray $11.5 Milyan oo doolar, Puntland ayaa iyana lasiiyay $8.2 Milyan oo doolar. Halka maamullada kale midkiiba lasiiyay $3 Milyan oo doolar, Maamulka Gobolka Banaadir ayaan ku jirin maamulada lacagta lasiiyay….

Waa sida loo kala qab weyn yahay oo loogu kala horeeyo siyaasadda ama xataa loo kala laandheereysan yahay, nacamleeye iyo guul-wade waligiis waa liite aan liibaanin, waxaase ugu qosol badan Banaadir 0 usoo baxday.

Maamulka Somaliland ayaa iyagoo maqan qeybteedii banaanka ka qaadata iyo Puntland, halka Gobolka Banaadir loo soo jeediyay iney kordhitaa canshuurta, isla markaasna aan mudnaan iyo tixgelin midna aan Loo heynin.

56140cookie-checkMaamulada Dowlad Goboleedyada Oo Dhaqaale Loo Diray