Khilaaf Soo Kala Dhex Galay Farmaajo Iyo Ictisaam

Somalia news

Warar hordhaca ah oo laga helay ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegaya in Khilaaf iyo mugdi uu soo kala dhex galay Maamulka Farmaajo iyo Hogaanka dhaqdhaqaaqa Ururka Ictisaam, kadib markii heshiiyo iyo balanqaadyo Dhaqaale dhowr ah uu uga baxay Maamulka Villa Somalia…

Xogtaan ayaa Diinah.com news u xaqiijisay in Hogaanka Sare ee Ururka Ictisaam oo qorshahooda siyaasadeed yahay inay la wareegaan dhamaan Xafiisyada Garsoorka, Cadaalada & Hoggaaminta Arrimaha Diinta ee Somalia, ayaa ku hungoobay Maadama Mr.Farmaajo uu digniino qatar ah kala kulmay Hogaanka Culumaa’udiinka Ahlu Suna Waljameeca, waxaana la sheegay iney xiriirkii u jareen Adeege Fahad Yasin oo ka mid ahaa Qabqablayaasha Ururka.

Ururka Ictisaam oo ka faa’iideysanaaya khilaafka Madaxda Maamulka ayaa heshiis hoos & balanqaadyo ka helay Wasiirka 1-aad Kheure inuu hirgalinayo Dhamaan qorshayaasha Kooxda ictisaam balse shuruud ayuu ku xiray taaso ah iney taageero hiil & hooba lagarab istaagan Barnaamijyadiisa Siyaasadeed iyo Xisbigiisaba.

Kooxda Ictisaam oo Maamulka Farmaajo kala noqday Heshiis uu ku siiyay iney dayactirtaan Hotel Curuuba ee Magaalada Muqdisho, ayaa bilaabay iney hanjabaado iyo goodin u jeediyaan Maamulka Villa Somalia, waxeyna sheegeen iney soo bandhigayaan ceebaha Mr.Farmaajo ururkaan oo horay loogu xasuustay in ay garab istaageen xili uu gabood falo waweyn ka galay dalka.

45920cookie-checkKhilaaf Soo Kala Dhex Galay Farmaajo Iyo Ictisaam