Maamulka Hargeysa Oo Ka Hadlay Kulanka China iyo Somalia

Somalia news

Maamulka Muuse Biixi ayaa ka fal celiyay markii ugu horeysay Kulankii Shalay ay wada yeesheen Mr.Farmaajo iyo Danjiraha China ee Somalia, kaasoo ka dhacay Xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia…

Kulanka dhinacyadaan ayaa diirada lagu Saaray xiriirka ay ku dhawaaqeen Maamulka Somaliland iyo Taiwan Oo ah Maamulo aan aqoonsi ka heysan dunida, balse sheegta iney ka madaxbanaan yihiin Dalalka China iyo Somalia.

Mr.Yaasiin Faratoon Wasiirka Arrimaha Dibada oo ay wareysatay VOA, ayaa ku adkeystay ineysan khuseynin waxa ay ka wada hadleen Labada dal “ Waa wac aan filan karno namana khuseeyaan waxa ay ku heshiiyeen, waxaana Taiwan naga dhaxeeya dano gaar ah”.

Dhaqdhaqaaqa Siyaasadeed ee Maamulka Muuse Biixi ayaa Sare u kacay kadib markii dhowaan Wafdi ka Socda Barlamaanka Kenya ay booqdeen Magaalada Hargeysa l, wallow aan si furan looga hadlin Ajandaha iyo Ujeedooyinka ka dambeeya.

45890cookie-checkMaamulka Hargeysa Oo Ka Hadlay Kulanka China iyo Somalia