Odayaal & Ciidamo Loo Diray Duleedka Magaalada Muqdishu

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Ciidamo ku Hubeysan Gaadiidka Dagaalka Kuwaasoo u badan kuwa ay soo tababareen Ciidamada Turkiga ayaa xalay saqdii dhexe fariisan ka dhigtay xerada Geed Timir oo ku dhow duleedka Gubadley sida ay dadka degaanka noo xaqiijiyeen….

Wararka hordhaca ayaa sheegaya in Ciidamadaan oo markii 2-aad loo diro degaankaasi, ayaa la sheegay iney ku Hubeysan yihiin Gaadiidka Dagaalka Ee Dowladda Qatar ku deeqday, waxeyna tiradoodu lagu qiyaasay ilaa 12 Gaadiid, Waxeyna dhibaato iyo caburin ku hayaan dadka Degaanka.

Ciidamada Guutada 3-aad ee uu Hogaamiyo ayaa ku Hubeysan Gaadiidka Dagaalka, waxeyna digniin u direen Saraakiisha Ciidamada ineysan ka baaqsadaan dagaal ay ku qaadaan fariisimadooda, iyagoo wacad ku maray in haddii aay ciidamada Dowladda soo weeraraan aanay joogsan doonin ilaa Villa Somalia.

Dhanka kale, Warar ayaa sheegaya in maamulka fashilmay ee Farmaajo uu Odayaal beesha Mudulood ka tirsan uu dhaqaale ku siiyay sidii ay wada hadal iyo waan waan looga dhex bilaabi lahaa Hogaanka Ciidamada Guutada 3-aad, isla markaasna loogu qancin lahaa iney hubka iyo Ciidamada ku soo wareejiyaan Maamulka Villa Somalia, waxaana la sheegay in sidoo kale Ciidamo iyo gaadiid dagaal ay ku diyaariyeen Saldhigga Boliiska Heliwaa iyo Yaaqshiid.

82170cookie-checkOdayaal & Ciidamo Loo Diray Duleedka Magaalada Muqdishu