Macaashka Qaadka Ee Saraakiisha Ciidamada

Somalia news

Todobaadyadii ugu dambeeyay inkastoo ay Dowlada Saartay, xayiraad in magaalada Muqdisho la soo galiyo Qaadka ka yimaada dalka Kenya, ayaa hadana waxaa macaash badan ka sameeya Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada, NISA iyo Boliiska, kuwasoo si aan gambasho leheyn Caasimadda u soo galiya Qaadka…

Xogtaan ayaa Diinah.com u xaqiijisay in Shabakad isku xiran ay habeen kasta Qaadka ka soo qaadaan xeebaha duleedka ka ah Muqdishu, waxaana soo gabliya Gaadiid dagaal oo Dowlada leedahay kuwaasoo gaaya guryo ay Ganacsatada Qaadka ay iska leeyihiin.

Wararka ayaa sheegaya in habeen kasta magaalada la soo geliyo shixnado Qaad ah oo ay keenaan 10-Doomood, waxaana doontiiba baad ahaan looga qaataa Dhaqaale dhan $550, wadarta guud ay kor u dhaafeyso $5,500.

Bishii u dambeysay ayaa la sheegay in dhaqaalaha kooxdaan ka macaasheen ayaa lagu qiyaasay adduun lacageed oo dhan $165,000, iyadoo tiro Jawaari Qaad ah la siiyo Ilaalada Gaadiidka dagaalka iyo qaar lagu furdaamiyo baraha kontrolada ee ku yaala gudaha Muqdisho.

Mid kamid ah ganacsatada Qaadka uu u soo dago oo xogtan u soo dusiyay Diinah.com ayaa inoo sheegay in kooxdaan Horjoogayaasha ah oo isku xiran ayaa Maalmihii hore hadii habeen lacagaha laga daahiyay ay amar ku bixin jireen in Kontrolkii Qaad lagu arko dab la qabadsiiyo, iyadoo ay dhacday habeen in la gubo Qaad fara badan, waxaana xiligaa wixii ka dambeeyay ay noqotay in lacagaha si hormaris ahaan ah loo siiyo.

38520cookie-checkMacaashka Qaadka Ee Saraakiisha Ciidamada