Xildhibaanada Taageersan Villa Somalia Oo ka Biyo Diiday Shirka Dhuusa mareeb-2

Somalia news

Tiro aan badneyn oo Xildhibaan oo ka tirsan Barlamaanka Federaalka, isla markaasna ka biyo diidan Shirka Dhuusa mareeb-2, ayaa ku sugan Villa Soomaaliya iyago kulan la qaatay Madaxweyne Farmaajo, waxeyna culeys ku saareen inuusan ka qeyb gelin Kulankaasi…

Xildhibaanadaan ayaa la sheegay iney Madaxweynaha ka doonayaan inuu u caddeeyo sababta keeneysa in sharciga doorashada la laalo oo Dowlad Goboleedyadu ay keenaan qaabkii doorashada loo qaban lahaa iyo mowqifkiisa arrintaas ku wajahan, waxayna markii horeba Xildhibaanadaan ahaayeen kuwo taageersan siyaasada Villa Somalia.

Talaabadaan ayaa ku soo beegantay xili maanta Guddoomiyaha Baarlamanka Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan oo ka hadlayay kulankii Golaha Shacabka uu tilmaamay in doorasho dadban ay ka dhalan karto dhibaato dhanka amniga ah, loona baahan yahay in la aado doorasho toos ah, isagoo aan cadeynin qaabka iyo xiliga lagu qaban karo.

Waxaan shaki ku jirin in laba garab ay u kala jabeen Maamulka Farmaajo, iyadoo Garabka uu Hormuudka u yahay Wasiirka 1-aad ee Dowlada Federaalka ay taageersan yihiin Go’aanada Ka Soo baxay shirka Dhuusa mareeb-1, halka tiro yar oo u soo hartay Garabka Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Barlamaanka ay ku adjeysanayaan in toos loo aado doorasho qof iyo cod ah.

War murtiyeed ka soo baxay shirkii madaxda dowlad goboleedyada ku yeesheen magaalada Dhuusamareeb ayey ku sheegeen ineysan dalka ka dhici karin doorasho qof iyo cod ah iyagoo xusay in loo baahan yahay in dalka laga qabto doorasho aan sababin in xili loogu daro madaxda talada heysa, taasoo loo fasiray iney tahay qabashada doorasho dadban oo la mid ah tii dalka ka dhacday 2016.

48200cookie-checkXildhibaanada Taageersan Villa Somalia Oo ka Biyo Diiday Shirka Dhuusa mareeb-2