Hooyooyin Guridda Jayga ka Maareeya Nolol Maalmeedka Caruurtooda…

Somalia news

Inkastoo uusan jirin Qorshe ay Dowladda Federaalka & Maamulka Fadhiidka ee Gobolka Benaadir u dejiyeen Haweenka Caruurtooda u xoogsada iney helaan shaqo ay ku maareeyaan Nolasha Qoyskooda, iyadoo Haweenkaan ay haatan bilaabeen shaqo xoogsi ah oo maalinle ah…

Wararka ayaa sheegaya in Hooyo Xaliimo Xasan Maxamed  kaligeed korinaysa 8-Caruur ah oo Agoon ah waxay markii ugu horraysay ku filnaatay maaraynta nolishooda, iyadoo qeyb ka ah 105 haween ah oo ka shaqeeya xaarista jayga si ay u daboolaan nolosha Caruurtooda, Dumarka oo ku nool xeryaha lagu barakacay ee duleedka magaalada Muqdisho waxay subax kasta u lugeeyaan Degaanka Jasiira oo ay ka shaqeeyaan.

Hooyo Xaliimo ayaa sheegtay in shaqadaan ay bishii ka macaashto dhaqaale gaaraya $200, taasoo meesha ka saartay Baahidii iyo cunno yaridii Caruurteeda haysatay, Waxay hadda awood u yeelatay in ay saddex waqti dabka u shido, Waxay tilmaamtay in ka hor shaqadan iney dhar-dhaqid u aadi jirtay xaafadaha ka agdhow xerada ay ku nooshahay, Shaqadaas oo ku qaadan jirtay maalin dhan ayay kala soo hoyaadi jirtay $2 oo ku adkayd in ay xitaa hal mar dabka ku shitaan.

Afar ka mid ah carruurteeda ayay xustay in markii ugu horraysay gaysay waxbarashada, markii ay ogaatay in ay bixin karto qarashaadka ku baxaya. Waxay xustay in macallinka iskuulka  u ogolaadey in labo ka mid ah ay si bilaash ah ku dhigtaan, halka labada kale ay ka bixiso isku gayn $14 ah bishii.

Shaqada ay haweenkaan qabtaan maahan mid ay dumarku si fudud ku qaban karaan, balse duruufta haysa darteed ayaa ku kalifaysa, Waxay u badan yihiin barakac aan haysan meel kale oo ay ciirsadaan ma jirto Dowlad & Maamul Gobol oo iska xil saartay iney qorshe u dejiyaan Muwaadiniintaan.

315380cookie-checkHooyooyin Guridda Jayga ka Maareeya Nolol Maalmeedka Caruurtooda…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com