Dhibaatooyin Nololeed oo ay Wajahayaan Dadkii Guryahooda La Gubay

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Xaalado nololeed oo aad u adag ayaa lasoo gudboonaatay Boqolaal Shacab ah oo dhawaan guryahoodii ay dab qabad siiyeen Shababka, kuwaasoo haatan lasoo sheegayo iney gaajo iyo haraad la ildaran yihiin caruurta iyo dadka waayeelada ah ee ka barakacay deegaanadoodii…

Todobaadkaan gudahiisa ayay aheyd markii Al-shabaab ay gubeen ilaa 7 tuulo oo ka mid ah tuulooyinka u dhaxeeya Maxaas iyo Matabaan, islamarkaana ay qarxiyeen Ceelashii biyaha ay ka cabi jirieen dadka iyo duunyada ku noolaa deegaanadaasi.

Mid ka mid ah waxgaradkii degaanada la gubay ka barakacay ayaa sheegay in haatan xaaladooda nololeed ay tahay mid aad u lidata maadama aysan heysan waxay cunaan ama cabaan, meesha ugu dhaw ay biyo ka heli karaana ay tahay meel u jirta 70-KM.

“Al-shabaab waxay naga gubeen aqaladeeni anago leh hanaga gubina ayay nagu hor gubeen guryahii, dugsiyadii quraanka iyo waliba ceelashii biyaha aan ka cabeynay, mana naqaan sababta ay sidaas u sameyeen, hada laba caruur ah ayaan gacanta ku haysta oo meel banaan la taaganahay wax cuno uma haayo biyana warkooda iskaba daa xaalada way nagu xun tahay” ayu yiri mid ka mid ah dadki ka barakacay deeganada la gubay.

207010cookie-checkDhibaatooyin Nololeed oo ay Wajahayaan Dadkii Guryahooda La Gubay