Qatar Oo Kaga Guuleysatay Dacwada ICJ ee Xulafada Sacuudiga

Somalia news

Maamulka Dooxa ayaa guul ka gaaray kiis-dacwadeed kala dhexeeyay Dalalka Sucuudiga, Imaraadka, Masar iyo Baxrayn, kaasoo la xiriiray xayiraadii dhinaca Hawada ee wadamadaasi ku soo rogeen Saddex Sanno ka hor, kadib markii Khilaaf xoogan uu soo kala dhex galay…

Maxkamada Caalamiga ICJ ee Hegue ayaa diiday Rafcaan ay Xulafada Sucuudigu ka qaateen go’aankii Hay’adda Duulimaadyada Adduunka ICAO ee ahaa in ay xaq u leedahay in go’aan ka qaadato Xayiraado dhinac hawada ee lagu soo rogay wadanka Qadar.

Guddoomiyaha Maxkamada ICJ Cabdiwahaab Axmed Yusuf oo ku dhawaaqay go’aanka Maxkamada ayaa sheegay in 15 Garsoore ay ogolaadeen in Hay’ada ICAO ay awood u leedahay in go’aan ka qaadato khilaafka dhinac hawada ee u dhaxeeya Xulafada Sucuudiga iyo Qadar.

Hay’adda ICAO ayaa sanadkii 2018kii sheegtay inay xaq u leedahay in xukun ka soo saarto khilaafka dhinac hawada ee u dhaxeeya Qadar iyo Xulafada Sucuudiga, hase yeeshee Imaraadka iyo Sucuudiga ayaa ku gacan sayray iyagoo sheegay inaysan hay’ada ICAO awood u lahayn inay go’aan ka qaadato khilaafka dhinaca hawada.

Sanadkii 2017, Dalalka Sucuudiga, Imaraadka, Baxrayn iyo Masar ayaa xayiraad dhinac Hawada iyo dhulka ah ku soo rogay Dalka Qadar iyagoo ku eedeeyay inay taageerto Iiran iyo Argagixisada Caalamiga ah, eedahaasoo dowlada Qadar ay ku gacan sayrtay.

48170cookie-checkQatar Oo Kaga Guuleysatay Dacwada ICJ ee Xulafada Sacuudiga