Dalka Oo Cagta Saaray Khalkhal Siyaasadeed Iyo Muddo Korarsi

Somalia news

Is-Qabqabsiga Siyaasiyiinta Soomaalida waa dhaqan xun Oo soo jireen ah, marka laga hadlaayo Xaalada Siyaasadeed ee dalka, inkastoo Madaxda Xiligaan ay isku dayeen iney ka duwanaadaan kuwii ka horeeyay ayna Shacbka u muujiyaan (Jilaan) Midnimo Siyaasadeed iyo Xasilooni….

Balse Talaabadaasi waxey ku Soo gunaanadeen, markii Qorshe Sharciga iyo Dastuurka KMG baal marsan lagana Soo karkariyay Villa Somalia (Qas-wadayaal), isla markaasna si fowda ah Hogaanka Gudoonka Barlamaanka ay ugu dhawaaqeen iney Xilka ka qaadeen Wasiirka 1-aad Ee Dowlada Federaalka, Maamulka Mr.Kheyre ayaa 70-xubnood Oo Xildhibaano ah ka koobnaa Golihiisa Wasaarada.

Mr.Farmaajo ayaa si degdeg ah u soo dhoweeyay Xil ka qaadistaasi, isagoo sidoo kale Ra’iisul wasaare KMG magacaabay, iyadoo qorshaha xige uu noqon doono In Wasiirka 1-aad laga soo magacaabi doono xubin ka tirsan Xisbiyada Mucaaradka.

Falanqeeyayaasha Siyaasada Dalka ayaa ka digay in Xaaladan kala guurka ah Dalka aan loo horseedin Khalkhal Siyaasadeed iyo amni darro, waxeyna soo jeediyeen in laga fiirsado talaabada xigtay, inkastoo Wakhtiga u harsan uu yar yahay, Kalsooni kala noqoshada Xukuumada ayaa la macno ah inuusan jiri doonin Wajiga 3-aad ee Shirka Dhuusa mareeb-3 ayna dhici karto muddo korarsi taasoo khatar ku ah Jiritaanka Hanaanka Dowladnimo.

50280cookie-checkDalka Oo Cagta Saaray Khalkhal Siyaasadeed Iyo Muddo Korarsi