Somalia oo 40-Qof Muwaadiniin ah oo lagu dilay 2-Maalmood Gudahood

Somalia news

Ugu yaraan 7-Qof ayaa ku geeriyoodeen Shalay oo Arbaco aheyd weerar 2-Gaari oo Walxaha qarxa laga soo buuxiyay afaafka hore xero Ciidamada Dowlada lagu tababaro ee ku taal Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ee Konfurta Somalia…

Degmada Baardheere oo Caasimada u jirta 450-KM, waxeyna xuduud la leedahay Gobolka Jubada dhexe oo ah Gobolka kaliyah ay si buuxda u maamulaan kooxaha Argagixisada, iyadoo Weerarkaan mid la mid ah Bishii Maarso ay Kooxda argagixisada ku qaadeen Guriga Martida Degmada, waxaana ku naf waayay 10-Askari oo Ciidamada Dowlada Federaalka ka tirsan.

Ku darsoo Dagaalka ka qarxay magaalada Garoowe ayaa la sheegay iney ku Geeriyoodeen 23-Qof oo isugu jira Dad Rayid ah iyo Ciidamo ka wada tirsan Maamulka Puntland, halka qaraxyo ka dhacay Gobolka Shabeelada hoose lagu dilay 10-Qof, Waxaa Dalka dib uga soo cusboonaaday weerarada Qorsheysan ee kooxda Argagixisada kadib markii ay Dowladu ay hakad gelisay wajiga 2-aad ee Dagaalka dhanka ka ah Kooxda Shababka.

262020cookie-checkSomalia oo 40-Qof Muwaadiniin ah oo lagu dilay 2-Maalmood Gudahood