Mareykanka Oo Ku Goodiyay Iney Talaabo Ka Qaadi Doonaan Qaswadayaasha

Somalia news

Safaarada USA ayaa waxay walaac xoogan ka muujisay tallaabadii, Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somalia, ay kalsoonida ugala noqdeen Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre….

Qoraal ka soo baxay Safaaradda Mareykanka uu ku leeyahay Magaalada Muqdisho ayaa lagu sheegay in ay tani kaga sii dari doonto xaaladda siyaasadeed ee dalka.

“Arrintan waxa ay cirka ku sii shareereysaa xiisadda siyaasadeed, isla-markaana waxay carqaladaynaysaa wadahadaladii bilowga ahaa, ee u dhexeeyay Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Mareykanka ayaa ku goodiyay in uu tallaabo ka qaadi doono kuwa wax burburiya, ee doonaya inay carqaladeeyaan horumarka iyo xasiloonida ee dalka.

“Waxaan tallaabo ka qaadi doonnaa kuwa wax burburiya oo doonaya in ay carqaladeeyaan horumarka iyo xasiloonida,dowladnimo loo dhan yahay iyo horumarka.” Ayaa lagu sheegay qoraalka.

Qoraalka ayaa lagu yiri “Ma dooneyno in Somalia ay waddo khaldan raacdo. Maraykanku wuxuu mar walba garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed iyo hoggaamiyaasha danta dalkooda ka hormariya tooda gaarka ah.”

Mareykanka ayaa Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada, Golaha Shacabka iyo dhinacyada kalaba ugu baaqay inay sii wadaan fulinta heshiiskii lagu gaaray Magaalada Dhuusamareeb.

Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa saqdii dhexe ee xalay sheegay in uu aqbalaayo tallaabadii, ay kalsoonida ugala laabteen Xildhibaanada Golaha Shacabka, isagoo og in sifo aan sharci ahayn kalsoonida loogala noqday.

50250cookie-checkMareykanka Oo Ku Goodiyay Iney Talaabo Ka Qaadi Doonaan Qaswadayaasha