Xeer Ilaaliye Ku Baaqay In La Sii Daayo Maxaabiista Burcad-badeedka

Somalia news

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Dowlad goboleedka Puntland Maxamuud Xassan Aw Cismaan ayaa Sabtidii Shalay Golaha Wakiilada Puntland Warbixin ka siiyay Xaaladda Maxabiista loo haysto Burcad-badeednimada ee ku xiran Xabsiyada Puntland….

Xeer Ilaaliyaha ayaa warbixintiisa ku sheegay in uu Sharci-darro ahaa Heshiiskii Puntland loogu soo wareejiyay Maxaabiista ku eedaysan Barcad-badeednimada ee ku xirnaa Waddanka Seychelles maadaama sida uu sheegay Heshiiskaasi ka hor-imaanayay Dastuurka Puntland.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Maxaabiista ku xiran xabsiyada Puntland ee Seychelles xukuntay ay ku xiran yihiin caddaalad-darro maadaama uu markii hore ku dhacay xukun cadaaladda ka fog islamarkaan dhammaantood aysan wada-ahayn Burcad-badeed.

Xeer ilaaliye Maxamuud Xassan Aw Cismaan wuxuu sidoo kale caddeeyay in Maxaabiista loo haysto Burcad-badeedda ee ku xiran gudaha Puntland aysan gargaar-sharci ka helin Dalkooda maadaama markii laga soo wareejinayay Waddanka Seychelles dhammaantood laga saxiixay in aysan Rafcaan ka qaadan karin Xukunka.

Sidoo kale wuxuu xusay in la sii wada daayay Maxaabiistii kale ee Caalamka Burcad-badeednimada ugu xirnaa oo ay ku jiraan kuwii ku xirnaa Seychelles taasina ay Caddaalad-darro ku tahay Maxaabiista weli ku xiran Puntland.

50320cookie-checkXeer Ilaaliye Ku Baaqay In La Sii Daayo Maxaabiista Burcad-badeedka