Faahfaahino dheeraad ah ayaa laga soo sheegaya Is-rasaaseyn ka dhacday Isgoyska Dabka iyo Hoyga Madaxa Xoogaga gaarka ah ee Boliiska ee Degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho, iyadoo Is-rasaaseyntani ay shalay kaliyah ay laba jeer dhex martay Xoogaga amaanka iyo Xoogaga Dalka iyo Asluubta…
Wararka hordhaca ah ayaa Diinah.com news u loogu soo gudbiyay, in Israsaaseynta hore ay dhex martay Ciidamo bar kontrol joogay agagaarka Akameediyada Ciidamada, waxaana la sheegay in gaari kuwa Ciidamada uuna iska leeyahay Horjooge Liiban Madaxey ay xoog ku jireen Ciidamo Bar konrotol joogay, waxaana dhashay Khasaare isugu jira dhimasho iyo Dhaawac.
Sidoo Waxaa la sheegay in 5-dalbey ah oo ka tirsan Ciidamada Asluubta ay Weerareen Hogya Horjooge Farxaan Faroole oo madax u ah Xoogaga Haramcad ee Boliiska, iyadoo la dhaawacay mid ka mid ah Ciidamada Asluubta, iyadoo 4-ta Dableyda ah iyo midka dhaawaca ahba la wada geeyay Xarunta Baarista dembiyada (CID), halkaasoo su’uaalo lagu weydiinaayo sababta.
Inkastoo wararka ay sheegayaan in Askartaan Ciidamada Asluubta ka tirsan oo watay Gaari kuwa raaxada ah ay shil ku galeen gaari uu iska leeyahay Madaxa Kooxda Haramcad ee Boliiska kadibna uu Wadihii gaariga uu k baxsaday, dhacdadaan ayaa ka dhacay Isgoyska Dabka ee wadada Maka Al Mukarama oo muddo kooban khal khal iyo kala carar xooggan uu ka jiray.
Arrintan ayaa ku soo beegantay xili magaalada Muqdisho ay ka jirto maalmahan cabsi xoogan ka dib markii todobaadyadii la soo dhaafay ay kordheen qaraxyada ka dhaca magaalada oo qaarkood dad badan dilay, kuwo kalena dhaawacay