Ma Dhabaa in Madaxweynaha uu ku sii Jeedo Magaalada Dhuusa mareeb…

Somalia news

Inkastoo uu dib u dhaca Madaxweynaha Qorshihiisii Qeybta 2-aad ee Dagaalka uu ku yimid kadib markii Dalalka Deriska oo horey u balanqaaday iney 18-Kun oo Ciidamo ka baxsan ATMIS ku kabaan Ololaha, waxaa lagu wadaa inuu maanta ka dego magaalada Dhuusa mareeb ee Gobolka Gaguduud…

Wafdi horudhac u ah Madaxweynaha ayaa gaaray shalay magaalada Dhuusamareeb. Kooxdani oo isugu jirto Saraakiil, Wasiiro, Xildhibaano iyo xubno kale ayey ka kooban yihiin, waxaa kaloo gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Ilaalada Madaxtooyada, kuwaasoo xaqiijin doono Amniga xarunta uu dagayo Duqa.

Waxaa lagu wadaa inuu magaalada Dhuusamareeb kaga dhawaaqo wejiga labaad ee howlgalka ka dhanka ah kooxda argagixisada shabaabka oo ka bilaabanaya degaano ka tirsan Galmudug iyo Hirshabelle, iyadoo Fariisinka 2- ee Howlgalkaan uu noqon doono Magaalada Aadan Yabaal.

269840cookie-checkMa Dhabaa in Madaxweynaha uu ku sii Jeedo Magaalada Dhuusa mareeb…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com