Ciidamada Danab Oo La Geeyay Jowhar Iyo Shakiga Ku Xeeran

Somalia news

Maamulka Villa Somalia oo wakhtigiisu dhamaadka yahay ayaa markii ugu horeysay Urur ka tirsan Ciidamada Danab u daabulay Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hirshabelle, iyadoo halkaasi dhowaan lagu wado in dhowaan lagu qabto doorshada Xildhibaanada maamulka….

Xogtaan ayaa uxaqiijisay Diinah.com news in Urur ka tirsan Guutada Danab oo wata gaadiidka dagaalka ayaa laga diray Magaalada Muqdisho, iyagoona gelinkii dambe ee Axadii gaaray Magaalada Jowhar, Ciidanka ayaa dhanka Degmada Aadan Yabaal ka soo galay Magaalada Jowhar.

La taliyaha Qaybta Warbaahinta ee Madaxweynaha Hirshabelle, Xasan Cabdulqaadir Muudey ayaa inoo xaqiijiyay in Ciidanka Danab ay gaareen Magaalada Jowhar, Waxa uu sheegay in ujeedada loo geeyay magaaladaasi ay tahay inay ka qayb qaataan dadaalada wax looga qabanayo amniga deegaanada Hirshabelle, gaar ahaan inay wax ka qabtaan xaaladda amni-darro ee ka jirta wadada xiriirisa Jowhar iyo Balcad, Balcad illaa Muqdisho.

Warar kale ayaa sheegaya in Mr.Farmaajo uu Caan ku ah inuu shaqsiyaad isaga taageersan oo degaanka ka soo jeeda uu Madax u dhigo Hir-shabelle sida Konfur galbeed iyo Galmudug, ayaa waday qorshe uu muddo ku taamaayay, kaasoo ahaa sidoo uu gacanta ugu dhigi lahaa Caasimada Dowlad Goboleedka Hir-Shabeele, isla markaasna Ciidamada jooga looga saari lahaa.

Maxamed Cabdiraxmaan Khayre, Wasiirka Amniga Hirshabelle ayaa wareysi uu Axadii siiyay VOA waxaa uu ku sheegay in horey looga gaabiyay wax ka qabashada amniga deegaanada Hirshabelle, balse ay dhowrayaan sidii loo hagaajin lahaa wax ka qabashada wadada isku xirta Jowhar iyo Muqdisho muddo dheer ay maamulaan kooxaha argagixisada.

56550cookie-checkCiidamada Danab Oo La Geeyay Jowhar Iyo Shakiga Ku Xeeran