Khilaafka Horjoogayaasha Shababka Oo Dib u Soo Laba Kacleeyay

Somalia news

Macluumaad hordhac ah ayaa laga soo sheegaya Khilaaf maaro loo waayay oo muddo soo jiitaamayay una dhaxeeya Horjoogayaasha Maleeshiyaadka kooxda Shababka, ayaa dib u soo noolaaday kadib markii la isku qabsaday Baada iyo Lacagaha laga uruuriyo Shacbga iyo Shirkadaha sida loo maamulaayo iyo cidda qeybineysa, iyadoo la sheegay in khilaafkaan uu ka dhashay Dilal iyo Xarig Horjoogayaasha dhexdooda ah….

Ilo wareedkaan ayaa Diinah.com news u sheegay in Garabyada Kooxda Shababka ay kala horboodayaan Horjooge Axmed Diiriye iyo Kuxiinkiisa Mahad Kaaratee, wararka ayaa sheegaya in is-ugaarsi, Dilal qorsheysan iyo xarig ay isu geysteen, iyadoo is qabqabsigaan uu galaaftay Horjoogayaasha magacyadooda lagu soo koobay Fiidow iyo Cabdifataax Baare kaasoo lagu dhex dilay xabsi ku yaal tuulo ka tirsan Gobolka Gedo, waxaana falkaan geystay Maleeshiyo ka amar qaadata Horjooge Axmed Diiriye.

Sidoo kale waxaa la xiray tiro u dhaxeysa 10-20 Horjooge oo lagu eedeeyay iney la safan yihiin garabka Mahad Karatee kuwaasoo intooda badan laga qabtay deganaada hoos yimaada Gobolada Gedo iyo Jubada dhexe, waxaana lagu hayaa xabsi ku yaal Gobolka Gedo, iyadoo uu halkaasi uu ku sugan yahay Horjooge Axmed Diiriye, Halka Horjooye Mahad Karatee la sheegay in ku sugan yahay Gobolada Sh/hoose.

Dhanka kale, Maleeshiyaadka kooxda Shababka ayaa la sheegay iney ku gowraceen 7- qof (4-Oday iyo 3-Dhalinayro) degaan hoos yimaada Tuulada Goof-gaduud, kuwaasoo diiday amaro ay ku soo rogeen Kooxda Shababka, amarkaasoo ahaa iney soo uruuriyaan Caruur la askareeyo, waxaana la sheegay in amardaasi la dula dhigay tuulooyinka Daynuunay, Shan-qolow, Mooro-waraabe

56490cookie-checkKhilaafka Horjoogayaasha Shababka Oo Dib u Soo Laba Kacleeyay