Share the post "Kulamo Wada Tashi Ah Oo U Socda Xildhibaano Ka Tirsan Baarlamaanada"
Maalmihii ugu dambeeyay waxaa la sheegay in kulamo wada tashi ah magaalada Muqdisho ku yeesheen qaar kamid ah Xildhibaanada kasoo jeeda Beesha Hawiye ee kana tirsan labada Aqal ee katirsan Baarlamaanka federaalka iyo Siyaasiyiin, kuwaasoo aad u saluugay Maareynta iyo qaabka loo xulaayo Wsasiirka 1-aad, iyagoo ku eedeeyay Madaxweynaha inuu isku koobay maamulka labada Jago…
Kulamadaan ayaa inta badan looga arinsanaaya xaalada cakiran ee siyaasadeed iyo amni ee dalka gaar ahaan qorshaha Madaxweyne Farmaajo ka damacsan yahay magacabis la’aanta raagtay Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya oo saami ahaan u leedahay beesha Hawiye, Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta ayaa kulamadooda uga tashanaaya sida ay aragti mideesan uga qaadan lahaayeen Raagista Magacaabista Wasiirka 1-aad gaar ahaan qorshaha Madaxweynaha ka leeyahay magacaabis la’aanta Ra’isul Wasaaraha.
Sida aan xogta ku helnay Xildhibaanada iyo siyaasiyiinta qaarkood ayaa tuhun ka qaba in Madaxweyne Farmaajo doonayo in uusan soo magacaabin Ra’isul Wasaare taa badalkeedana uu Mr.Mahdi Guuleed kusii shaqeenayo bilooyinka harsan kusime ahaan, Mr.Farmaajo ayaa la sheegay iney ku adkaatay inuu Beesha Hawiye ka dhax helo Ra’isul Wasaare uu ku kalsoonaan karo sidoo kale aan ka hor imaan karin hamigiisa siyaasadeed ee ku aadan in mar kale talada dalka dib ugu soo laabto.