Ciidamo iyo Gacan-yarayaal Ka Socda Puntland Iyo Jubbland Oo Muqdisho Soo Gaaray

Somalia news

Iyadoo ay soo dhowaaneyso 1-da Sep-2020, lana filaayo in Kulamo adag oo looga doodaayo Qaabka doorshada ay ku dhex mari doonaan Madaxweynaha Dowlada Federaalka iyo Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Puntland, ayaa waxaa magaalada soo gaaray Gacan-yarayaal iyo Ciidamo Ilaalo ah oo labada Hogaamiye maamul u soo dirsadee magaalada…

Xogtaan ayaa tilmaamtay in Madaxda Maamuladaan la dejin doono Guryo ku yaal Xendaabka Madaxtooyada, iyagoo loo madax baneeyay ilaalinta iyo maamulka Hogya ay degan yihiin, waxaana wararku ay sheegayaan in Mr.Saciid dani oo safarkaan maanta uu noqonaayo kii ugu horeeyay intii loo doortay xilka Maamulka Puntland, wuxuuna diiday inuu dego Hotelka Decale ee garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdihso.

Labada mas’uul ayaa lagu wadaa in ay la kulmaan Madaxweyne farmaajo iyagoo kala hadli doona arrimo la xiriira doorashooyinka dalka, Madaxweynayaasha Jubbland iyo Puntland ayaan ka qeyb galin shirkii Dhuusamareeb 3 iyagoo ka soo horjeestey dhammaan go’aamadii ka soo baxay shirkaas oo ay ka qeybgaleen madaxda maamulada Galmudug, Hirshabelle, Koofurgalbeed, gobolka Banaadir iyo Madaxweyne Farmaajo.

Wakiilada Beesha caalmka ayaa ku cadaadis xooggan saartay Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland si ay u yimaadaan magaalada Muqdisho, lana kulmaan Madaxweyne Farmaajo si loogu heshiiyo nooc doorasho oo la isla ogol yahay.

57610cookie-checkCiidamo iyo Gacan-yarayaal Ka Socda Puntland Iyo Jubbland Oo Muqdisho Soo Gaaray