Seygii Hore Ee Xildhibaanada Ilhaan Oo Diiday Inuu La Kulmo Trump

Somalia news

Axmed Xirsi, oo ah saygii hore ee Ilhaan Cumar, ayaa sheegay inuu diiday kulan uu ka dalbaday Madaxweynaha Waddanka Maraykanka, Donald Trump, kadib markii uu dhowaan safar ku tagay Magaalada Minneapolis USA…

Qoraal kooban oo Axmed Xirsi uu soo dhigay bartiisa Facebook, ayuu ku sheegay in Madaxweyne Trump uu ku casumay kulan gaar ah, balse uu ka diiday kulankaas.

Mr. Axmed Xirsi, wuxuu qoraalkiisa ku xusay in aysan kulmi karin isaga iyo Madaxweyne Donald Trump, inkastoo uusan sababta sheegin.

Balse, waxa jirta in muran siyaasadeed oo ba’an ka dhexeeyo Ilhaan Cumar iyo Madaxweyne Trump, taasoo lagu micnayn karo diidmada Axmed Xirsi ee la kulanka Trump.

57690cookie-checkSeygii Hore Ee Xildhibaanada Ilhaan Oo Diiday Inuu La Kulmo Trump