Wasaarada Arrimaha Gudaha Kenya ayaa shaac ka qaaday Magacyada 9- Shaqsi oo lagu eedeeyay iney maalgeliyaan Howlaha argagisixada ee maleehsiyaadka Kooxda Shababka, kuwaasoo ah Muwaadiniin u dhashay Dalka Kenya una badan ganacsato ka soo jeeda degaanada waqooyi bari ee Kenya….
Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya Mr.Fred Matiangi ayaa warbaahinta u sheegay in shaqsiyaadka magacyadoodu kala yihiin
-Xaliima Aadan Ali
-Waliid Aadan Zeyn
-Sheekh Guyo Gorsa
-Maxamed Cabdi Ali (Abuu Fidaa)
-Nuseib Maxamed Xaaji
-Cabdimajiid Aadan Xasan
-Maxamed Cabdi Cali
-Mukhtaar Ibraahim Ali
-Mire Abdulahi Elmi
Wasiirka ayaa amar ku bixiyay in Hantiada iyo dhaqaalaha 9-kaan Shaqsi la xayiro, iyadoo uu Wsiirku uukagaabiyay inuu cadeeyo Eedaha loo heysto Xubnahaan, Dalka Kenya ayaa dhowaan xusi doonta weerarkii dhacay 23-kii Sep-2013, iyadoo koox ka tirsan Maleeshiyaadka Shababka ay qabsadeen xarun ganacsi oo lagu magacaabo Westgate Mall, taasoo xoogaga amaanka Kenya ku qaadatay saacado badan iney xaruntaasi ka sifeeyaan Koox 4-5 xubnood ka kooban.