Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Magaalada Muqdishu

Somalia news

Faafinta Wararka been abuurka ah ee Villa Somalia ayaa caado noqotay, kadib markii Madaxtooyada ay faafiyeen warar aan xaqiiqda ku fadhin oo ah in Xalay lagu casumay Casho Sharaf Madaxtooyada iyo in caawa Kulan kale loo balansan yahay…..

Ilo wareedyo ayaa Diinah.com news u xaqiijiyay inuusan Weli dhicin Kulan ay wada yeesheen Madaxweynaha iyo Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, waxeyna shuruud ku xireen la kulankiisa Qodobada hoos ku xusan:-

  1. Madaxweyne Sicid Deni Puntland iyo Madaxweyne Axmed Madobe Jubbaland ayaa Muqdisho u tageen sidii ay wada xaajood ula yeelan lahaayeen Wakiilada beesha caalamka, isla markaasna shuruud adag ku xiray wada hadalka Mr.Farmajo.
  2. Waxaa marqaati ma doonto ah in Mr.Farmaajo uu cadaawad gaamurtay u qabo Beesha Ogaadeen.
    -Mr.Farmaajo ayaa doonaya inuu ka aarguto labada Madaxweyne (Puntland iyo Jubbaland) kadib markii ay diideen iney ku soo dhoweeyaan Dhuusa mareeb, wuxuuna ka hor istaagay sida muuqata in RW Ku Xigeenka siihayaha ah Mudane Mahdi Guled soo dhoweeyo labada Madaxweyne.

-Warmurtiyeedkii ka soo baxay shirkii Beleedkii Beesha Mareexaan Ee B/xaawo ay daliil u tahay inuusan diyaar u aheyn Wada hadal iyo tanaasul.

c) Ciidammada labada Madaxweyne la yimaadeen Magaalada Muqdisho oo muujineysa tuhunka laga qabo cadowtinnimada Madaxweyne farmajo.

  1. Xaqiiqada saddexaad waa War la’aanta Madaxtooyada in shir u dhexeeya Madaxweynaha DF iyo labada Madaxweyne ee Puntland iyo Jubbaland ka dhici doono Muqdisho, Arrintaas waxay muujineysa in labada dhinac aysan ka wada shaqeyn karin doorasho xor iyo xalaal ah 2020/2021.

Dhacdadii shalay Ee dhoweyntii Madaxda Puntland iyo Jubbaland waxay daliil u tahay ineysan soo dhoweynin Mas’uuliyiin ka tirsan Dowlada marka laga reebo Duqa Muqdishu iyo qeybaha kala duwan Ee Bulshada.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya “in Madaxweyne Farmaajo uu martiqaaday odayaal dhaqameed, siyaasiin, iyo aqoonyahanno u dhashay Beelaha Daarood kana kala yimid S/Kenya, S/Ethiopia iyo degaanada Puntland si loola hadlo Madaxweyne Saciid Deni iyo Madaxweyne Axmed Madoobe qabiil ahaan” taaso ka mid ah xeeladaha Madaxweyne farmajo adeegsado si uu hadafkiisa gurracan u gaaro.

58300cookie-checkWararkii Ugu Dambeeyay Ee Magaalada Muqdishu