Faahfaahin dheeraad ayaa laga soo sheegaya Gabar dhimirka ka xanuunsanaysa oo da’dedu tahay 16-jir ah ayaa koox kufsi wadareed ugu geystay magaalada Garowe ee Xarunta maamulka Puntland, sida ay sheegtay hooyada dhashay oo saxaafadda la hadashay….
Deeqo Maxamed Cabdi oo ah Hooyada Gabadhaan ayaa waxay codsatay Laamaha Amaanka iney cadaalada horkeenaan Eedeysanayaasha falkaan ka dambeeyay, waxeyna inaasi raacisay “Gabadha ayaan waayay muddo saacaddo ah, waxaa kufsi iyo jirdil u geystay labo nin oo la sheegay inay walaalo ahaayeen oo mid kamid ah gacanta lagu dhigay.
Labada nin ee falkaan geystay ayay hooyada dhashay dhibbanaha sheegtay in ay deris la ahaayeen qoyskooda, iyadoo tilmaamtay markii ay gabadhu gurigeeda ka baxday iney cidlo ka heleen kadibna ay kufsadeen, degaanada Puntland ayaa kiisaska kufsiga aad ugu soo badanaya, waxaana sanadkan iyo sanadki hore ka dhacay kiisas isugu jira kufsi iyo dil.