Maxaa Sababay in Maxakamada Gobolka ay Ka Laabato Dacwadii Musuqa ee loo Heystay…

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa qoraal ay soo saartay Maxkamada Gobolka Benaadir ayna ku sheegeyso in laga laabtay dacwaddii loo hestay Eedeysane Cabdixakiim Cabdulaahi Cabdi (Jiile) oo ah La-taliyahii hore ee Agaasimaha Guud ee Hey’adda Socdaalka iyo Jisniyadda…

Eedeysanaha ayaa ka mid ahaa tiro Saraakiil hore oo ka tirsanaa Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo lagu soo oogay dacwad la xiriirta musuqmaasuq iyo xatooyo xoolo dadweyne, kuwaasoo haatan dacwadoodu ka socoto Maxkamada Gobolka Banaadir.

Qoraal ka soo baxay Maxkamada oo lagu daabacay warbaahinta DF ayaa lagu sheegay in Xeer ilaalinta Qaranka oo markii hore soo eedeysay ay haatan la laabatay dacwada Eedeysanaha oo maqane ah, lamana faahfaahin sababta keentay in laga laabto dacwadan, inkastoo Dad badani ay aaminsan yihiin in Kiiskaan uu Xurguf siyaasadeed uu salka ku hayo.

288400cookie-checkMaxaa Sababay in Maxakamada Gobolka ay Ka Laabato Dacwadii Musuqa ee loo Heystay…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com