Digniino Laga Bixiyay In Doorasho Ay Qabsadaan Maamulada

Somalia news

Waxaa soo shaac baxaaya welwel laga qabo in Maamuulada Dowlad Goboleedyada qaarkood ay iskood u qabsadaan doorasho, sida ka dhacday dalka Ethiopia, kadib markii Maamulada Addis abeba ay diideen iney wada xaajood la galaan Maamulka Tigrey, kuwaasoo todobaadkii tagay ka qabsaday degaankooda Doorasho…

Waxgaradka iyo Siyaasiyiinta Soomaalida ayaa qeylo dhaan ka soo saaray Shirka wada tashiga ee ka socda Villa Somalia, waxeyna farta ku fiiqeen halista ka dhalan karta heshiis la’aanta, iyagoo sheegay in maamulka Villa Somalia uu maanka ku hayo inuu helo muddo kororsi hadiiba lagu heshiin waayo Kulanka looga haldaayo doorashada ee ka scoda magaalada Muqidsho.

” Dalkaan kororsiimo ayaa laga rabaa afkana waa laga dhowrayaa, waana laga xishoonayaa in afka laga sheego in muddo kororsi la rabo” ayuu yiri Madaxweyinihii hore Mr.Xasan Sheekh, isagoo ku eedeeyay Mr.Farmaajo inuu ku tuntay Dastuurka iyo shuruucda dalka, wuxuuna diidan yahay in saamileyda Siyaasada ay ka qeyb galaan Kulamada wada tashiga Doorshada ayuu intaasi raaciyay.

Xildhibaan C/qaadir Cosoble ayaa dhankiisa cod dheer ku sheegay ” Sida la sheegay Doorashidii hore waxey bilaabatay 15-Oktoobar, hadii aan doorasho wada oggol ah la diyaarin wixii ka dambeeya taarikhdaasi, annaga waxaan bilaabi doonaa geedi socod barbar socda oo somalia loo dhisi doono Dowlad insha laah”.

Ma ka oggolaan doono Mr.Farmaajo iyo Maamulkiisa iney dalkaan dhigaan Dowlad la’aan isla markaasna burbur geliyaan Nidaamka dhibka lagu dhisay, Hanjabaadaan ayaa soo ifbaxeysa iyadoo ay muuqato Tanaasul la’aanta iyo go’aan qaadasho laaanta Mr.Farmaajo, waxaana laga cabsi qabaa in dalka uu cagta saaro in Doorashooyinka kala madax banaan laga qabto Maamulada Gobolada bacdamaa Dowlada Federaalka aysan maamulin Gobolada dalka.

61020cookie-checkDigniino Laga Bixiyay In Doorasho Ay Qabsadaan Maamulada