Ciidamo Gadoodsan Oo Wadooyin Xirtay

Somalia news

Macluumaad hordhac ah ayaa laga helayaa Gadood iyo wado xirasho ay sameeyeen Ciidamo ka tirsan Nabadsugida oo mushaar la’aan ka cabanaya ayaa goordhow xirtay inta u dhaxeysa Daljirka Dahsoon illaa Isgoyska Jubba….

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamadan oo ku sugnaa fariisin ku yaal garoonka diyaaradaha Dayniile ayaa isaga soo baxay, waxaana ay ka cabanayeen in muddo 3 bil aanay qaadan wax mushaar ah.

Dhacdadaan Ayaan weli aysan ka hadlin Agaasimaha NISA iyo Maamulka Farmaajo Ee muddo xileedkiisu dhamaadka yahay, waxaa socda dadaalo lagu xalinaayo in Ciidamadaan ay ku noqdaan fariisinkii ay ka soo Baxeen.

https://www.facebook.com/100010549742388/posts/1261233354238311/?extid=w5ULyAeCIfPJavHv
61050cookie-checkCiidamo Gadoodsan Oo Wadooyin Xirtay