Macluumaad Ku Soo Kordhay Askarta Soomaalida Ee Ku Maqan Eritrea

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa ku soo kordhay Askarta ku maqan Dalka Eritrea Ee uu diray Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo, kuwaasoo ku dhowaad 2-sano ku sugan xeryo Ciidamo ooku yaal dalkaasi, Sida lagu baahiyay Barnaamijka Galka Baarista ee VOA-da..

Inkastoo Maamulka Farmaajo uusan faahfaahin dheeraad ah ka bixin qorshaha tababarka Askartaan, isla markaasna ka gaabiyeen iney qanciyaan Waalidiinta Dhalinyaradaan, Guddiga loo xil saarayna baaritaanka kiiskaan ay ka gaabiyeen iney soo saaraan Macluumad hordhac ah oo ka hadleysa Xaalada Caafimaad ee Askartaan.

Gadood, Baxsasho iyo Shaqaaqo dhacday:-

Mid ka mid ah Dhalinyaradaan oo soo noqday 1-dii July ee Sanadkaan ayaa sheegay inuu yaqaano 3-Dhalinyaro ah oo shubsn-biyood, Koronto iyo gal-biyood (War) ugu geeriyoodeen xeradii ay ku sugnaayeen, markii ay arkeen Ciidamo Eritrean ah iyagoo ka soo laabanaaya Degaan ay isgaarsiin u doonteen.

Bishii September 2020-kii, ugu yaraan 7- Dhalinyaradaan ah ayaa ku dhimatay shaqaaqo ka dhalatay Tababare Eritrean ah oo is Dal-dalay, sidoo kale Gadood ay ku dhaqaaqeen dufcadii ugu horeysay kana dhalatay in lagu soo khalday Dalka la geeyay.

Waxaa aad u kordhay xiliyadii ugu dambeeyay baxaashada Dhalinyaradaan kuwaasoo tiradoodu lagu sheegay 20-Dhalinyaro ah, iyagoo qaarkood lug ku soo galay Dalalka Ethiopia, Djibouti iyo Somalia, waxaana soo baxaaya in Hey’adda NISA ay ugaarsi ku heyso kuwa ku sugan Magaalada Mogadishu iyo nawaaxigeeda, mid ka mid ahna la sheegay in la khaarijiyay.

Dowladda Federaalka ayaa qorsheyneysa in Ciidamadaan soo celiso todobaadyada soo socda, waxaana la dejiyay qorshe loogu howl gelinaayo Dhalinyaradaan Degaanada Konfur galbeed iyo Gobolka Gedo (Jubbaland), Xiligaan ayaa la sheegay iney Askartaan ku kala sugan yihiin Xerayaha Bahabaari oo 40-KM u jirta Asmara, Weeco oo lagu carbiyo Komandoska iyo Raas xamaas oo u dhow Magaalada Musawac.

132950cookie-checkMacluumaad Ku Soo Kordhay Askarta Soomaalida Ee Ku Maqan Eritrea