Yaa Turkey Mas’uul Uga Ah Maamulka Dekedka & Garoonka Muqdishu

Somalia news

Sida uu baahiyay Wargeyska Al-Ceyn ayaa lagu sheegay in Maamulka Dekada Muqdishu uu maamulo Shaqsi uu sodog u yahay Madaxweynaha Dalka Turkey Mr.Erdogan, kaasoo magaciisa lagu sheegay Mr.Berat Albayrak, sidoo kale wuxuu madax ka yahay Shirkadda Favori oo hagta Maamulka Garoonka Diyaaradaha Ee Magaalada Muqdishu…

Qoyska Erdogan, ayaa u muuqanaaya iney si guud ula wareegeen ilaha Kaabayaasha dhaqaalaha, waxaana bishaan loo saxiixay iney maamulaan Dekada Muqdishu 14-sano Ee soo socota, iyadoo Shirkadda Albayrak shaqooyinka ay ka qabto Dalka Turkey ay kala yihiin ka Ganacsiga Gaadiidka, Maamulka Wasaqda iyo Warbaahinta.

Maamulada Isaga Dambeeyay Somalia 8-dii sano Ee u dambeysay ayaa lagu Eedeeyay iney u fududeeyaan Shiradakaha Turkey iney si fudud ula wareegaan Maamulka Dekada iyo Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho, iyadoo aysan muuqan wax qabad dhab ah oo laga sameeyay labada Xarumood.

67680cookie-checkYaa Turkey Mas’uul Uga Ah Maamulka Dekedka & Garoonka Muqdishu