Kulan Ka Dhacay Addis Abeba Iyo Qorshaha La Dejiyay

Somalia news

Warbixino hordhac ah ayaa sheegaya in Magaalada Addis Abeba ay Kulan Qaraoodi ah ku yeesheen 3-xubnood Oo Somali ah iyo Saraakiil ka tirsan Sirdoonada Ethiopia iyo Eritrea, iyadoo kulankaasi lagu gorfeeyay sidii loo carqaladeyn lahaa Doorashada iyo Mas’uuliyiinta Xisbiyada Mucaaradka….

Kulankaan waxaa la sheegay inuu soo qabanqaabiyay Adeege Fahad Yasin, waxaana ka qeyb galay Xasan Cali Kheyre iyo Cabdikariim Guuleed Taliyayaasha Sirdoonada Ethiopia iyo Eritrea iyo wakiilo ka socda Sirdoonka Qatar, waxaana looga dooday sidii Doorashada soo socota loo carqaladeyn lahaa Xisbiyada Mucaaradka dusha loo saarin lahaa.

Fahad waxa uu labada nin u sheegay inay Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif isku fahmi waayeey waxkasta oo ay isla soo qaadeen, kana go’an tahay inuu ka ilaaliyo iney kursiga ku soo noqdaan taasoo ah sida ay doonayaan dowladaha Ethiopia iyo Qatar, Waxaa uu u caddeeyey labadoodaba inuu musharaxiisa koowaad uu weli yahay Farmajo, laakiin labadooda ay u yihiin badal haddii Farmajo  oo shacbiga ay aad u naceen ay xildhibaannadooda ku khasbaan inay diidaan.

Waxaa la Go’aamiyay in La diyaariyay Kooxaha Borobagaanada (CBB), si loo faafiyo dacaayado iyo warar been abuur ah oo lid ku ah Xisbiyada Mucaaradka, iyadoo lagu eedeynaayo iney Xiriiro la leeyihiin UAE, Sacuudiga iyo Israel, iyadoo sidoo kale lagu heshiiyay iney la Taageero Maamulka cusub Ee Dhowaan laga dhisi doono Maamulka Hir-Shabelle.

67650cookie-checkKulan Ka Dhacay Addis Abeba Iyo Qorshaha La Dejiyay