Macluumaad Laga Helay Qarax Miino oo lagu Weeraray Ciidamada Dowladda..

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax miino oo maalintii isniintii aheyd lala beegsaday Kolonyo ka tirsan Ciidamada Dowlada Federaalka oo maraysay inta u dhaaysa Doolow iyo Luuq, Qaraxaan oo ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac..

Wararka ayaa sheegaya in Mas’uuliyiinta Gobolka iyo ilo wareedyo kala duwan oo magacooda codsaday inaan la shaacin sababo dhinaca amniga ah ayaa sheegay in tirada dhimashada ay haatan gaartay 11, halka 3 kalena lagu dhaawacay, Saddexda dhaawaca ah waxaa ka mid ah Abaanduulaha Guutada 10-aad ee qaybta 43aad ee ciidanka Xoogga Dalka Rashiid Bohol.

Mas’uuliyiinta gobolka Gedo ayaa sheegay in Ciidamada la weeraray ay samaynayeen hawlgal, isla markaana ay ka saareen maleeshiyaadka kooxda argagixisada Shabaabka degaan u dhexeeya Doolow iyo Luuq, Kooxdani ayaa dheegtay Mas’uuliyada Qaraxa Miinada.

277950cookie-checkMacluumaad Laga Helay Qarax Miino oo lagu Weeraray Ciidamada Dowladda..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com