Madaxii Borobagaandada Farmaajo Oo Safiir Lagu Abaal Mariyay

Somalia news

Macluumaad hordhac ah ah ayaa laga helayaa Madaxii Borobagaanada Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo Mr.Salaad Cali Jeelle, oo ka mid ah shaqsiyaadka aadka u taageera Villa Somalia, ayaa si hoose loogu magacaabay Danjiraha Somalia u fadhin doona dalka Jabuuti….

Wararka Ayaa sheegay Shaqsigaan (Salaad Cali Jeelle), uu rajo ka qabay inuu kamid noqdo Golaha Wasiirada Somalia ee uu dhowaan soo magacaabay Ra’iisul Wasaare Rooble, balse waxaa loo sheegay in la siin doono Safiir taasoo markii dambe looga dhabeeyay, iyadoo Wiilkiisa uu Xil Agaasime ka yahay Wasaarad.

Mr.Jeelle ayaa laga soo xigtay “Madaxweynaha ayaa ii gartay inaa noqdo Safiirka Somalia u fadhin doono dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti, waxaana ku muteystay dowlad Jaceylka iyo shaqadii aan dalka usoo qabtay afartii sano ee Madaxweyne Farmaajo iyo Xiligii Ciidamada Ethiopia ay dalka ku soo duuleen”.

Mr.Salaad Cali Jeelle, wuxuu si hagar la’aan ah u taageeray Mr.Farmaajo muddada uu xafiiska joogo, wuxuuna dagaalka ugu badan ku qaaday Siyaasiyiinta iyo Waxgaradka ka soo jeeda beeshiisa iyo sidoo kale danaha beesha uu ka dhashay.

Dad badan ayaa taageerada Salaad ee Farmaajo iyo inuu kasoo horjeestay madaxweynayaashii hore oo ku qabiil ah ku macneeyey in Somalia ay ka gudbeyso qabyaaladda, una gudbeyso siyaasad ku dhisan dan iyo is xulufeysi.

67900cookie-checkMadaxii Borobagaandada Farmaajo Oo Safiir Lagu Abaal Mariyay