Mareykanka Oo Sheegay Iney Aqoonsaneynin Doorasho Hal Dhinac ah

Somalia news

Macluumaad ayaa laga helayaa kulankii xalay muqaal araga fog dhanka Zoom-ku yeesheen Madaxweynayaasha Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka, iyadoo dood dheer laga yeeshay xalinta Khilaafka Doorashada Somalia…

Kulanka waxaa laysla gartay in Laftagareen u tago Mr.Farmaajo kana keeno war cad ka hor inta aysan kulan kale iskugu soo laaban Madaxweynayaasha Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka, isagoo shalay soo gaaray Magaalada Mogadishu, Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in kulankaasi uu maanta dhacay kuuna soo dhamaaday natiijo La’aan iyo fashil.

Dhanka kale Danjiraha USA ee Somalia oo Maanta ugu soo laabtay Mogadishu ayaa sheegay ineysan aqbaleynin Doorasho hal dhinac ah, wuxuuna ugu baaqay dhinacyada isku hayo Doorashada iney Khilaafkooda xaliyaan lana qabto Doorasho wada oggol ah.

89330cookie-checkMareykanka Oo Sheegay Iney Aqoonsaneynin Doorasho Hal Dhinac ah