Kulankii Beelaha Dagoodi & Murasade Oo Lagu Kala Tagay

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Kulan beeleed Todobaadkii u dambeeyay u socday Odaayasha & Waxgaradka Beelaha Dagoodi & Murusade, Kulankaan ayaa la xiriira dhaqaale Buuran oo ay ka dhaceen Laba nin oo walaalo ah Musharax Madaxweyne (Somalia) Mr.Xasan Cali Kheyre..

Wararka ayaa sheegay Mr.Cali iyo Aadan Daa’uud oo Walaalo ah Kana soo jeeda Beesha Dagoodi uu Xasan Cali Kheyre ku eedeeyay iney ka dhaceen dhaqaale kor u dhaafaya 16-Millions US$, waxaana la sheegay in Kulamo badan oo dhinacyadaan ay ku yeeshaan Hoteelka Mōvenpick ayaa la isku afgaran waayay, kadib markii ay Odayaasha Dagoodi ay ku doodeen in Wiilashooda hanti aysan dhicin hanti cayimin Musharax Xasan Cali Kheyre.

Waraka ayaa sheegay in Dhaqaalahaan markeedii hore uu Xasan Cali Kheyre ku dhacay Mansabka Xilka uu Shacbiga Soomaaliyeed u hayay, isagoo sheegay inuu ku xalinaayo dhibaato ka dhalatay Be’ada (Environmental Crisis), Xafiiska Kheyre waxaa xiligaasi la-taliye ka ahaa Mr.Cali Da’uud oo la dhashay Qareen Aadan Da’uud oo Ganacsi dhinacyo badan kala dhaxeeyo Xasan Cali Kheyre.

170980cookie-checkKulankii Beelaha Dagoodi & Murasade Oo Lagu Kala Tagay