UAE Oo Diyaarad Khaas Ah U Diray Eritrea

Africa News Somalia news

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa diyaarad khaas ah u soo dirtay Madaxweynaha Eritrea Mr.Isaias Afwerki ka hor intuusan booqasho dhowr maalmood qaadatay ku tagin Ethiopia toddobaadkii hore….

Sida laga soo xigtay Ilo Sirdoon ayaa u xaqiijiyay Warsidaha Diinah.com news, ineysan aheyn markii Horeysay ee Dowladda UAE diyaarad u soo diray Mr.Afwerki. Diyaarada (Boeing 737s) ayaa waxaa iska leh Shirkadda Royal Jet oo Ay maamulaan Maamulka Abu Dhabi, Imaaraadku wuxuu saldhig Ciidamo kuwa Badda ah ku leeyahay dekedda Casab. Eritrea waxay ka mid tahay dalal ku bahoobay isbahaysi Badda Cas ku saabsan oo dhowr dal Carbeed ka mid yihiin.

Dhanka kale 4-tii Bishaan Oktober ayuu Mr.Farmaajo Safar ku tagay Magaalada Asmara isagoo sii raacay diyaarad uu iska leeyahay, taasoo ka howl gasha Somalia, Kenya, Ethiopia iyo Jabuuti, waxeyna Shirkadaan (Freedom Air) ka taageertaa safarada Dibeda Ee Madaxweynaha iyo Mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka, warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in dhaqaalaha shirkadaan laga Dhacay Canshuurta Gobolka Benadir.

67850cookie-checkUAE Oo Diyaarad Khaas Ah U Diray Eritrea