Warbixino hordhac ah oo la soo gaarsiiyay Warsidaha Diinah.com news ayaa sheegaya in Xubno ka tirsan Kooxda argagixisada ee Shababka loo xushay iney ka mid noqdaan Baarlamaanka Hir-Shabelle, kadib markii ay heshiis hoose ay wada gaareen Garab ka mid ah Shababka Iyo Hogaanka NISA….
Xogtaan ayaa u xaqiijisay Warsidahaan in ugu 18-xubnood oo kuwa dhowaan loo xushay iney noqdaan Xildhibaanada Hir-Shabelle ay xiriir toos ah la leeyihiin Kooxda Shababka, iyadoo xubnahaasi qaarkood ay ka tirsan yihiin Hey’adda NISA isla markaasna ay horey ula soo shaqeeyeen Kooxda Shababka, waxaana falkaan lagu Eedeeyay inuu ka dambeeyo Agaasimaha NISA Adeege Fahad Yasin.
Ilo wareedkaan ayaa sheegay in Baarlamaanada Konfur galbeed iyo Galmudug ay horey loogu soo biiriyay tiro aan la cayimin Ee Taageerayaasha iyo xubin ka tirsan kooxda Shababka, si ay saameyn ugu yeeshaan Arrimaha Siyaasada, Dhaqaalaha iyo Ansixinta shuruucda Goboladaasi, Iyadoo Wakiilada Beesha Caalamka ay ka baaqsadeen iney ka hadlaan arrintaan.
Khubarada Arrimaha Somalia ayaa ka digay in Doorashada (Xulashada) dhowaan ka dhici doonta Somalia ay Tiro badan Oo Xildhibaano ah ku yeelan doonaan Kooxda Shababka, kadib markii ay ku guuleysteen iney Wakiilo ku yeeshaan Baarlamaanada Maamulada kor ku xusan.