Ma Dhabaa in Tuulada Camaara dib looga soo Baxay Khilaaf u Dhaxeeya Ciidamada Dowlada & kuwa Degaanka

Somalia news

Warar hordhac ah ayaa daaha ka rogaaya in Degaanka Camaara ee Gobolka Mudug ee Somalia, in Ciidamada Dowladda ay isaga baxeen degaankaasi oo ka mid ahaa goobihii laga xoreeyey kooxaha Argagixisada Shababka, kadib markii khilaaf soo kala dhex galay Maleeshiyaada Degaanka & Ciidamada Dowladda…

Wararka ayaa sheegay in Khilaafkaan oo muddo soo jiitamaayay gaarayna gacan ka hadal kooban ayaa la xaqiijiyay in sababta ka dambeysa bixitaanka ay salka ku heyso, Khilaafkaan ayaa yimid xili uu dhawaan Madaxweynaha uu sheegay in aan dib looga laaban doonin furimaha dagaalka iyo deegaanada laga saaray gacanta kooxda Argagixisada Shababka.

Wararka ayaa sheegay in Saacado uun markii ay Ciidamada Dawladdu ka baxeen, ayeey kooxda Argagixisada Shababku soo galeen Degaanka wqxeyna ku gawracern tiro Muwaadiniin Degaanka ah, waana ayaan darro in Howlgaladii uu Madaxweynaha ku dhawaaqay uu ku soo dhamaado fashil.

313670cookie-checkMa Dhabaa in Tuulada Camaara dib looga soo Baxay Khilaaf u Dhaxeeya Ciidamada Dowlada & kuwa Degaanka