Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay Ayaa sheegaya in La-taliyaha dhanka Amaanka Ee Madaxweynaha Dowladda Federaalka Mr.Cabdisaciid Maxamed Cali iyo Tiro Xildhibaano ah ayaa la sheegay iney gaareen Magaalada Garoowe, waxaana ka soo baxaaya Faahfaahin safarkooda la xiriira….
Xogtaan Ayaa Warsidaha Diinah.com u xaqiijisay in Safarka Sarkaalkaan uu la xiriira sidii loo kala furfuri lahaa Xildhibaanada Puntland, iyadoo uu xiligaan taagan yahay Xiisado u dhaxeeya Xikdhibaanada Qaarkood iyo labada Kuxigeen Ee Baarlamaanka Puntland.
Wararka ayaa intaasi raacinaaya Safarka Sarkaalkaan ayaa la sheegay inuu la xiriiro Arrimaha Doorashada iyo xulista Xildhibaano taageersan Villa Somalia looga soo saari lahaa Degaanada Puntland, gaar ahaan Beelaha qaarkood sida Kuwa Dhulbahante, Warsangeli iyo kuwo kale, waxaana lagu wadaa inuu kulamo la yeesho Odayaasha Dhaqanka iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka.