Saameynta Farmaajo Iyo Shirkadda Ganacsiga Ee HASS

Somalia news

Warbixino hordhac ah ayaa laga helayaa Saameynta Ganacsi Ee Mr.Xasan Cabdulahi Farmaajo oo La dhashay Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Shaqsigaan ayaa la sheegay inuu wakiil ka yahay Walaalkiis Dhinaca Ganacsiga iyo Maalgelinta Dhismayaal, Dhulal iyo Ganacsi ku yaal Magaalada Nairobi….

Xogtaan Ayaa Warsidaha Diinah.com news u sheegtay in Qareen Axmednaasir Cabdulahi oo ka soo jeeda Beesha Mareexaan uu bilihii ugu dambeeyay waday iibinta Dhul kaasoo laga gaday 4-Millions US$, Dhulkaan ayaa la sheegay in laga dhisi doono Mall iyo Dukaamo ganacsi, waxaana lagu qoray Mr.Xasan Cabdulahi Farmaajo oo xiliyadii ugu dambeeyay aad uga soo dhex muuqday dhaqaalaha laga dhacdo Somalia.

Dhaqaalaha dhulka lagu iibiyay ayaa la soo marsiiyay shirkadda HASS Petrolium oo ganacsi ku leh labada dal ee Somalia & Kenya iyadoo isla markaana Mr.Farmaajo uu amar ku bixiyay in loo sameeyo canshuur dhaaf shidaalka ay dalka keento shirkadda HASS.

Sidoo kale, Waxaa sanad ka hor isla Shirkadaan HASS lacag la soo marsiiyay uu guri oo Villa ah uu ka iibsaday magaalada Nairobi Xildhibaan Cabdishakur Cali Mire, iyadoo la aaminsan yahay in gurigaasna uu yahay milkiilaha rasmiga ah MW Farmaajo.

69840cookie-checkSaameynta Farmaajo Iyo Shirkadda Ganacsiga Ee HASS