Warbixintii Laga Helay Kulankii ku Dhex Maray Magaalada Nairobi Wakiilada Beesha Caalamka & Puntland..

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Kulan magaalada Nairobi ku dhex maray Qaar ka mid ah Wakiilada Beesha Caalamka iyo Maamulka Puntland, Kukankaan ayaa looga dooday sidii Maamulka dib ugu noqon lahaayeen Kulamada Madasha wadatashiga Qaran, inkastoo uu Kulanka ka qaaday Mr.Deni…

Wararka ayaa sheegaya in Kulankaan ay Mas’uuliyiinta Puntland warbixintooda ku soo bandhigeen in Mashaariicda loogu talo galay aan loosoo marin Dawladda Federaalka, iyagoo dacwadna ay ka gudbiyay Hogaanka Dawladda Federaalka oo muddo khilaaf kala dhaxewyay isla markaasna muddo ku dhawaar 2-sano ah uusan wax xiriir ahna kala dhaxayn.

Wakiilladii ka qeyb galay kulanka ayaa u sheegay Kooxda Puntland in Madaxweyne Deni tago kulamada Golaha wadatashiga Qaran, wadahadalna lala furo Dawladda Federaalka ah, khilaafkana lagu xaliyo qaab wadahadal ah iyo is-fahan, Kulankaan ayaa ka maqnaa Mr.Deni oo ku xayirmay Daadadkii ku rogmaday Magaalada Dubai oo ay ku jirto Garoonka Diyaaradaha.

Dhanka kale Wasiirrada Puntland oo kulan kale la qaatay Madaxda Bankiga Adduunka ee ku sugan Nairobi ayaa warar aan la xaqiijin sheegayaan in kulankaas laga saaray Wasiirkii hore ee Maaliyadda Puntland Maxamad dhabancad, kadib madkii ay dalbatay Madaxa World Bankiga ee Soomaaliya Kristina Svensson.

Dhabancad ayaa saxaafadda gudaha ee Puntland dhowr jeer ka dhaliilay Hogaanka World Bankiga, iyadoo World Bankigu ku adkaysanayo in Mashaariicdooda loo maamulo qaab wadajir ah oo u dhexeeya Bankiga Adduunka, Dowladda Federaalka & maamul goboleedka Puntland.

322050cookie-checkWarbixintii Laga Helay Kulankii ku Dhex Maray Magaalada Nairobi Wakiilada Beesha Caalamka & Puntland..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *