Shababka Oo Ajaaniibta Ugu Baaqay Iney Ku Soo Biiraan

Somalia news

Kadib markii dagaalo mindhicireed oo maryo dhiig ah looga furtay ay dhax mareen Horjoogayaasha Maleeshiyaad Shababka iyo kuwo Ajaaniibta (Muhaajiriinta) isla markaasna qaarkood ay ka baxsadeen isla markaasna u galay Kooxda yar ee Is-faraca Somalia oo fariisinkoodu yahay buuraha Waqooyi-Bariga Somalia..

Ilo Wareedyo ayaa u xaqiijiyay Warsidaha Diinah.com news in Horjoogayaal ka tirsan Shababka ayaa fariimo muuqaalo ah (Videos) u diray Taageerayaasha Kooxda reeking nool Dalalka reer galbeedka iyo kuwo Dowladaha Carabta iyo Afrika iney ku soo biiraan Halganka ay Kooxda ugu jirto sidii Imaarad uga dhisi lahaayeen Dalka Somalia.

Muqaalo uu duubay Horjooge Mahad Qalay (Karatee) iyo mid ka mid ah Horjoogayaasha Ajaaniibta (Axmed Iman) kana soo soo jeeda Dalka Kenya ayeey ugu baaqeen Dhalinyarada iney ku soo biiraan Halganka kooxda, iyagoo ka qeyb galay Tababaro loo xiray koox ka tirsan Maleeshiyaadka Shababka.

118610cookie-checkShababka Oo Ajaaniibta Ugu Baaqay Iney Ku Soo Biiraan