Macluumaad ayaa laga helayaa qorshe balaaran oo Madaxtooyada Villa Somalia ay muddo diyaarineysa kaasoo salka ku haya sidii Magaalada Muqdishu dib ugu noqon laheyd dagaaladii sokeeye, kadib markii uu isbedelo uu ku sameeyay Hogaamada Ciidamada Xoogga Dalka xilalna ku tixay Beeshiisa iyo beelo kale….
Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in Taliyaha Ciidamada Lugta (Maxamed Tahliil Biixi) uu u magacaabay Sarkaal horey uga soo qeyb qaatay dagaalkii Sokeeye, kaasoo madax ka ahaa Ciidamadii fariisinkoodu ahaa degaanka Qorilow kuwaasoo dhibaato xoogan u geystay dadka Rayidka ah ee ku safaraaya Wadadaasi.
Horjoogahaan ayaa wararku ay sheegayaan in la hoos geeyay Ciidamada Ururada Gorgor iyo Danab, wuxuuna u diyaariyay sidii dagaalo argoosi ah uga bilaabi lahaa Magaalada Muqdishu iyo degaanada ku xeeran, sido kale Ciidamada Boliiska ayaa la sheegay in lagu diyaariyay Maleeshiyaad u badan Beesha Dhulbahante kuwaasoo laga soo qaaday degaanada Sool.
Madaxweynaha ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay ku howlanaa isku shaandheynta Saraakiisha Ciidamada Xoogga dalka, xilligan kala guurka, isagoo cabsi xoogan oo ka soo wajahday dagaalada ka socda Ethiopia, taasoo Farmaajo uu ka cabsi qabo in saraakiisha Beesha Hawiye aay ka horyimaadaan hamigiisa, wuxuuna hoos u dhigay awoodda Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Jen. Odowaa Yuusuf Raage.