Ma Dhabaa in Maamulka Hargeysa uu Xir-xiray Saraakiil iyo Ciidamo ka soo heeda Beesha Garxajis..

Somalia news

Kadib markii Koox hubeysan oo ka soo jeeda Beesha Garxajis ay galeen degaanada ku xeeran Buurta “Gacan libaax”, waxaa soo shaac baxaaya olole looga sifeynaayo Ciidamada Boliiska Xubnaha ka soo jeeda Beesha Garxajis, kadib markii uu Muuse bixiyay Amarka..

Ololaha Sifaynta Boliiska ayaa la sheegay in ay ku timid weerar fashilmay oo ay ku dileen in ka badan toban askari oo ay ku jiraan tiro ka mid ah ciidamada RRU-da ee UK tababaray, isla markaana maalgeliyay, kuwaasoo lagu dilay Gacan Libaax, waxeyna doonaayeen iney weerar ku qaadaan oo ay burburiyaan xaruntii dhaqdhaqaaqa Xoogaga hubeysan ee Garxajis.

Iyadoo la sheegay in Ina Axmed Tiir oo ka soo jeeda Beesha Garxajis kana tirsanaa Xoogaga RRU uu ku dhuumaaleysanaayo Magaalada Hargeysa kadib markii uu Muuse Biixi ku eedeeyay inuu fashiliyay weerarkii khasaaraha badan dhaliyay, waxaana lagu eedeeyay inuu qorshihii weerarka ahaa inuu u bedelay isku dhiibida Jabhada.

Wararka ayaa sheegay in Saraakiil Xilal sare ka hayay Qeybaha Boliiska ee ka soo jeeda Beesha Garxajis lagu bedelay kuwo Beesha Madaxweynaha (Habar Awal), warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Xerada Gooja cadde lagu hayo tiro badan oo Saraakiil iyo Ciidamo ka soo jeeda Beesha Garxajis.

272150cookie-checkMa Dhabaa in Maamulka Hargeysa uu Xir-xiray Saraakiil iyo Ciidamo ka soo heeda Beesha Garxajis..