Shaqaalaha Garoonka Diyaaradaha Oo Dibadbaxay

Somalia news

Wararka hordhaca ah ee naga soo gaaraya Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Shaqaalaha ka tirsan garoonka diyaaradaha ay maanta dhigeen dibad-bax ballaaran oo cabasho ah….

Dibad-baxayaasha oo u badnaa dhalinyaro ayaa warbaahinta u sheegay inay ka cabanayaan mid ka mid ah shirkadaha ka shaqeeya garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, taas oo laga leeyahay dalka Turkiga.

Qaar ka mid ah dibad-baxayaasha ayaa sheegay inay cadaalad darro ka tirsanayaan maamulka shirkadda, gaar ahaan laba nin oo u kala dhalatay dalalka Kenya & Uganda, Sidoo kale waxa ay tilmaamay inay shaqeeyaan saacado badan oo aan ku jirin waqtiga shaqada ee lagula heshiiyey.

Shaqaalahan Soomaaliyeed ayaa sidoo kale baaq u diray madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, iyaga oo ka dalbaday inay soo fara-geliyaan arrintooda, “Cadaalad ayaan u baahanahay, wax ha naloo qabto.” ayey ku qeylinayeen dibadbaxayaashu.

52970cookie-checkShaqaalaha Garoonka Diyaaradaha Oo Dibadbaxay